Sh Omar Faruk

Sh Omar Faruk

Slamic scholar
Courses of Expertise
  • Shariah Laws
  • History of Islam
  • Modern Era Needs
  • Organizing Help

About Scholar

Sheekha dugsigii 1aad ee Qur’aanka wuxuu galay isagoo 5 jir ah, dugsigii labaad isaga oo 9 jir ah.Macallinkiisu wuxuu ahaa abtigii hooyadii la dhashay oo macallin Xuseen sh. Axmed-guure la yiraahdo. Dugsigaasaa isagoo 12 jir ah uu quraanka ku dhameeyey, hase yeeshee dusha kama qaban. dugsigii 3aad isagoo 14 jir ah ayuu galey. Dugsigaas ayuu Cumar-Faaruuq quraanka dusha uga qabtey isagoo 14 jir ah. Dabadeed qur’aankii waa uu hilmaamay, sababtuna waxay ahayd isagoo ku mashquulay shicir wax la oran jirey oo dhaqan u ahaa qoyska uu ka dhashay ah ilaa uu shicirkii dusha ka qabtey.Markaa qur’aanka Sh. Cumar-Faruuq 3 goor buu dhameeyey. Ka dibna isagaaba macallin-dugsi noqdey, markaasoo uu 14 jir ahaa. Mar wuxuu ku qabtey dugsi magaalada Qallaafe isaga oo kutubta raacda oo xer ah, una dhiga carruurta reerkii uu markaas uu la noolaa. Reerkaasi oo uu lahaa nin la yiraahdo Olol Diinle, waxay saaxiib ahaayeen aabahiis. Dugsigii labaadna wuxuu u qabtey niman reer Ugaas la yiraahdo, meel la yiraahdo Maraacaato. Dugsigaas labaadna dugsi buu kiciyey.Sheekh Cumar Faaruuq Cilmiga isaga oo 14 jir ah ayaa Fiqiga loo billaabay, Kitaabka Safiinatu Salaat ayaa waxa u billaabay Sh. Cusmaan-Jire Sh. Xuseen-Dhaqane.Sheikh wuxuu ka dhashey qoys diimeed Waana Asharaaf Jannadii fardowsa allah haka waraabiyo asga iyo anagaba dhamaanteen.

Naxariistii Jano alle haka waraabiyee Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu ka soo jeeda qoys culimo ah, Meelaha uu cilmiga ka raacday Shiikha waxaa ka mid ahaa Masjidka Marwaas ee Magaalada Muqdisho oo isagoo xeroow ah uu lixdameeyadii yimid kana raacday kutubta, Shuyuuqdii soo waxbartayna waxa ka mid ahaa Sheekh Ibraahim Suuleey, iyo sheekh Cabdikariim Sheekh Khaliif oo isagana tafsiirka uu ka bartay.

© Copyright 2024, All Rights Reserved