Kitaabka laga qoray caalimka Soomaaliyeed Sheekh Cumar Faaruuq

Magaalooyinka Kala ah Muqdisho iyo Garoowe ayaa si weyn loogu soo bandhigay dhacdo xiiso badan middaas oo ah Kitaab/Buugga laga qoray taarikhda Al Sheekh Alwaalid Sheekh Cumar Faaruuq, Sheekha ayaa ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliyeed ee dadku sida weyn ugu diirsadeen duruustiisa diimeed.

Kitaabka laga qoray Sheekha ayaa ciwaan looga dhigay
الشيخ عمر الفاروق حياته العلميةوالدعوية وجهوده الإصلاحية
qoraaga kitaabkan ayaa ah Dr Mohamed Hadiith Sheekh Cumar Faaruuq oo ah Sheekha wiilkiisa iyo aasaasaha Mu’assasada Sheekh Cumar Faaruuq ee dacwada iyo Horumarinta, qoraaga buugga ayaa si weyn uga warramay nolosha Sheekha sida uu kusoo barbaaray, safaradiisii cilmiyeed iyo dadaallada Sheekha uu ku bixiyay toosinta iyo dib-uheshiisiinta bulshada Soomaaliyeed oo muddo 34 sano ah kala tagsaneyd dhinac walbana uu ka soo gaaray bur-bur iyo kala irdhoobid .

Maalin Talaado kuna beegan 30/09/2024 ayeey Muqdisho martigelisay kitaabka Sheekha laga qoray, waxaana dhacdadaan weyn soo ajiibay dad aad u badan oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay ka kooban tahay, ayna ugu horeeyaan culimada Soomaaliyeed,aqoonyahanada, siyaasiyiinta ,qaar ka mid waziirada iyo madax sare ee dowladda Soomaaliya ka tursan iyo shaqaalaha dowladda iyo haweenka soomaaliyeed ee culimada ah , iyo qaar ka mid ah qurbojoogta soomaaliyeed

Dhinaca magaalada Garoowe oo ah magaala madaxda Puntland taariikhdu marka ay eheyd 28-November, 2024 ayeey martigelisay bandhig ballaaran oo lagu soo bandhigaayay kitaabka laga qoray Sheekh Cumar Faaruuq, culumaa udiinka puntland ,madax sare iyo xildhibaano iyo haweenka soomaaliyeed iyo dadweynaha kala duwan ee ku nool Garoowe iyo naxaawigeeda oo aad uga soo qeybgalay bandhigga iyaa aad ugu riyaaqay in kitaab laga qoray Sheekh Cumar Faaruuq uu soo gaaro Puntland. Waxayna halkaas ka soo jeediyaan dhamaan culumadii ,madaxdii iyo aqoonyahadii iyo ganacsatadii iyo haweenkii ka soo qeybgalay xafladda bandhigga buugga kalimado kala duwan oo qiima leh ,kalimadahaas oo ay ku cabireen qiimayntooda iyo farxadooda iyo taageeradooda ku aadan
Buuggaan sheekha laga Qoray, buuggan ayaa qofkii aqriya waxa uu ka kororsan karaa barashada taariikhda Sheekha iyo waayo-aragnimadiisa. buuggaan ayaa dhiirigelinaya barashada diinta suuban iyo in kaalinta culimada bulshada kor loo qaado.

Nasiib ma u yeelatay in aad aqrisato buuggaan? Maxaa cashirro ah oo aad ka kororsatay haddii aad Akhrisay buugaan ?

Share This:

Leave Your Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *

© Copyright 2024, All Rights Reserved